Skip to main content

Hel gargaar hadda ama ka warbixi dembi ku saleeysan nacayb (Somali)

Hel Gargaar Hadda

Akhri tilmaamaha hoose si aad u garatid sida aad ku heli kartid gargaar deg-deg ah iyo sida aad
uga warbixin kartid dembi ku saleeysan nacayb oo aad aragtey ama aad la kulantay.

 

Sida aad ku heli kartid gargaar marka aad halis ku sugantahay

Haddii adiga ama qof aad taqaan uu ku suganyahay khatar deg-deg ah, wac 9-1-1 ama la xiriir waaxda boliiska ee deegaankaaga.

 
Sida aad ku heli kartid gargaar marka aad halis ku sugantahay

Ka warbixinta dembi ku saleeysan nacayb

Haddii aad rumeeysantahay in aad tahay dhibane dembi ku saleeysan nacayb, ama aad rumeeysantahay in aad la kulantay dembi ku saleeysan nacayb:

Step 1: Warbixin ka sii boliiska deegaanka sida ugu dhakhsaha badan dembiga ku saleeysan Nacaybka.

Step 2: Dhakhsiba waxaad ku kabtaa warbixinta wicitaan Hay’adda Federaalka ee Dembi-Baarista (FBI) Khadka Xog bixinta qarsoodiga ah.

Wac FBI Khadka Xog bixinta qarsoodiga ah 1-800-225-5324

FBI-da waxeey adeegsataa turjubaano talefoonka sidaa darteed weey kula hadli karaan. Marka aad wacdo waxaa jira hal-daqiiqo oo fariin duuban oo Ingriisi iyo Isbaanish ah. Ku jir khadka inta aad ka maqleeyso hawl-wadeen nool. Sheeg magaca afka aad ku hadasho, markaas hawl-wadeenka ayaa kugu xiraya turjubaan u tababaran in uu kaa caawiyo in aad ka warbixiso dembiga ku saleeysan nacaybka ee aad ogtahay ama aad la kulantay.

Waa maxay dembi ku salaysan nacayb?

Dembi

+

ididiilo ah falidda fal dembiyeed ku saleeysan fikir janjeersan

=

Dembi ku salaysan Nacayb

Nacayb: Ereyga "Nacayb" wuxuu noqon karaa mid mala habaabiya. Marka loo isticmaalayo sharciga dembiga ku salaysan nacayb, ereyga “nacayb” micnihiisa ma aha xanaaq, caro, ama ka helitaan la’aan guud. Mawduucan guduhiisa “nacayb” micnaheedu waxaa weeye fikir janjeera oo lid ku ah dad ama koox leh sifooyin khaas u ah oo uu sharciga qeexayo.

Dembi: “Dembiga” marka laga hadlayo mid ku salaysan nacayb waa mid dhiilo leh, sida gacan ka hadal, dil, gubid, kharibaad, ama hanjabaad in la sameeynayo dembiyadaas. Waxaa kale oo ay arrintani soo gelaya shirqoolid ama weeydiisasho in qof kale in uu falo dembiyada, xitaa haddii aanay gaarin heer in la fuliyo dembiga.

Janjeer ama Dhacdo Nacayb ah: Waa falalka liidaya qof oo aan ahayn dembi ama aanan lahayn gacan ka hadal, hanjabaad, ama burburin hanti.

Sharciyada Federaalka ee Dembiyada Nacaybka waxeey saameeyaan dembiyada la galay ee ku aadan:

Jinsiyad Naafannimo
Isir-ka/Asalka Qaranka Midabka
Janjeer-ka Jinsi Jinsiga
Tilmaanta Jinsiga Diinta

Sharciyada Dawlad Goboleedka ee la xiriira dembiga ku salaysan nacaybka waa kala duwanyihiin. Intooda badan waxaa ku jira fal dembiyeed ku saleeysan jinsi, midab iyo diin. Qaar badanna waxaa laga yaabaa in dembigu ku saleeysan yahay qodobo kale oo dheeri ah.

Wax-ka-Bedelka Koowaad iyo Xorriyadda Hadalka:

Wax-Ka-Bedelka Koowaad ee Dastuurka Mareeykanka qormadiisa, dadka laguma ashtakeeyn karo waxa ay aaminsan yihiin oo kaliya, xitaa marka waxa ay aaminsan yihiin uu yahay kuwa wax dhimaal leh. Lakiinse, Bedelka Koowaad ma u difaaco dadka gala dembiyo sabab la xiriirta waxa ay rumeeysan yihiin oo sharciga difaacayo.

Wixii macluumaad dheeri ah oo Somali ah, hoos ka eeg:

Caawinta Bulshada Kahortagga iyo ka Jawaabidda Dambiyada

Difaaca Meelaha Macbadka Si Wadahadal iyo Waxbarasho ah

Updated November 17, 2023